Wednesday, September 10, 2025

Muuse Biixi oo qiray in Soomaaliya ay Itoobiya kaga guuleysatay dhinaca diblomaasiyadda

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareysi uu bixiyay ku qiray in dowladda Federaalka Soomaaliya ay guul weyn ka gaartay dhinaca diblomaasiyadda, kadib is-afgaradkii lagu murmay ee u dhexeeyay Somaliland iyo Itoobiya ee lagu saxiixay Addis Ababa.

Muuse Biixi ayaa sheegay in culeyska diblomaasiyadeed ee ay dowladda Soomaaliya saartay Itoobiya uu horseeday in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ku guuldareysto fulinta heshiiskii is-afgaradka (MoU), ka dib cadaadis kaga yimid beesha caalamka.

“Ururada Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka waxay la safteen Soomaaliya, taas oo Itoobiya ku khasabtay inay dib uga laabato go’aannadii hore,” ayuu yiri Biixi.

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdu ay gaartay heer la isweydiiyo suurtagalnimada in laga raro xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa, arrintaas oo sida uu sheegay ahmiyad gaar ah siisay Itoobiya, kana dhigtay inay ka fiirsato mowqifkeedii hore.

Biixi wuxuu sidoo kale sheegay in safarkiisii hore ee uu ku tegay Addis Ababa ay ogaa dowladda Soomaaliya iyo tan Jabuuti, maadaama, sida uu sheegay, ay kulmeen intii lagu guda jiray wadahadalladii hore ee Jabuuti. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qiray inuusan labada dal u sheegin ujeeddada dhabta ah ee safarkiisa Itoobiya.

Heshiiskii is-afgaradka ee Addis Ababa oo si weyn loogu kala aragti duwanaa, ayaa horseeday xiisad diblomaasiyadeed oo xooggan oo u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo Soomaaliya ay si cad u diidday wax heshiis ah oo la galo Itoobiya iyadoo aan lagu soo wargelin Dowladda Federaalka.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 09/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NISA oo duqeyn ku dishay maskaxdii ka dambeysay weerarkii ka dhacay Ceel-gaabta

Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Hay’adda Sirdoonka iyo...

DFS oo si kulul u cambaareysey weerarka Israel ka geystay Qatar

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya ayaa...

Qatar oo cambaareysay weerarka ay Israa’iil ku dishay xubno Xamaas ah

Ciidamada Yuhuudda ayaa sheegay inay duqeynta oo ay fulisay...

Qaraxyo ka dhacay Doha, iyo Israa’iil oo beegsaday madaxda Xamaas

Qaraxyo dhowr ah ayaa goor dhow ka dhacay caasimadda...

Puntland oo qabatay xubno ka tirsan Firxadka Daacish oo gali rabay Boosaaso

Ciidanka Booliiska maamulka Puntland ayaa saakay Aroortii ka qabtay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles