Wednesday, March 4, 2026

Muuse Biixi oo qiray in Soomaaliya ay Itoobiya kaga guuleysatay dhinaca diblomaasiyadda

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareysi uu bixiyay ku qiray in dowladda Federaalka Soomaaliya ay guul weyn ka gaartay dhinaca diblomaasiyadda, kadib is-afgaradkii lagu murmay ee u dhexeeyay Somaliland iyo Itoobiya ee lagu saxiixay Addis Ababa.

Muuse Biixi ayaa sheegay in culeyska diblomaasiyadeed ee ay dowladda Soomaaliya saartay Itoobiya uu horseeday in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ku guuldareysto fulinta heshiiskii is-afgaradka (MoU), ka dib cadaadis kaga yimid beesha caalamka.

“Ururada Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka waxay la safteen Soomaaliya, taas oo Itoobiya ku khasabtay inay dib uga laabato go’aannadii hore,” ayuu yiri Biixi.

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdu ay gaartay heer la isweydiiyo suurtagalnimada in laga raro xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa, arrintaas oo sida uu sheegay ahmiyad gaar ah siisay Itoobiya, kana dhigtay inay ka fiirsato mowqifkeedii hore.

Biixi wuxuu sidoo kale sheegay in safarkiisii hore ee uu ku tegay Addis Ababa ay ogaa dowladda Soomaaliya iyo tan Jabuuti, maadaama, sida uu sheegay, ay kulmeen intii lagu guda jiray wadahadalladii hore ee Jabuuti. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qiray inuusan labada dal u sheegin ujeeddada dhabta ah ee safarkiisa Itoobiya.

Heshiiskii is-afgaradka ee Addis Ababa oo si weyn loogu kala aragti duwanaa, ayaa horseeday xiisad diblomaasiyadeed oo xooggan oo u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo Soomaaliya ay si cad u diidday wax heshiis ah oo la galo Itoobiya iyadoo aan lagu soo wargelin Dowladda Federaalka.

WARARKII KALE

Baarlamaanka Soomaaliya oo meelmariyey wax-ka-beddelka Dastuurka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u meelmariyey...

Puntland oo DFS ku eedeysay weerar iyo afduub ay u geysteen xildhibaanada

Puntland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya weerar ku...

Wasiiro ka tirsan DFS oo iscasilay, maxay tahay sababta?

Wasiiru-dowlihii shaqada & arrimaha bulshada xildhibaan Caynaanshe Yuusuf Xuseen...

Booliska Soomaaliya oo xabsiga dhigay lataliyaha arrimaha bulshada ee Deni

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen...

Sacudi Carabiya oo qabatay laba gantaal oo nooca cruise-ka ah

Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay qabatay laba...

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles