Tuesday, August 18, 2026

Wasiir Roobow oo sheegay in dhaqan xumada kusoo badaneysa Muqdisho ay wadaan dowladdo Shisheeye

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ayaa ka hadlay xaaladda anshaxa iyo dhaqanka ee caasimadda Muqdisho, isagoo si adag uga digay dhaqan-xumooyin cusub oo uu sheegay in aysan horay uga jirin magaalada.

Wasiir Roobow ayaa sheegay in dhaqamadaas xunxun ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, isagoo tilmaamay in laga yaabo in ay jiraan dowlado shisheeye oo si dadban uga dambeeya faafinta dhaqamadaas.

“Dhaqan xumo daran ayaa ka jirta Muqdisho oo aan horay uga jirin, waxaana laga yaabaa in Dowlado ay wadaan,” ayuu yiri Wasiirka.

Sheekh Roobow ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan waalidiinta, culimada, iyo hay’adaha dowladda, in ay iska kaashadaan badbaadinta akhlaaqda bulshada iyo ilaalinta qiyamka diinta Islaamka.

Wuxuu sidoo kale xusay in Wasaaradda Diinta ay qaadayso tallaabooyin wacyigelin ah oo lagu horjoogsanayo dhaqan-xumadaas, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la dhowro diinta, dhaqanka suuban iyo hannaanka suuban ee Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles