Thursday, June 25, 2026

Puntland oo Digniin Amni Soo Saartay Kaddib Firxadka Kooxda Daacish ee Ku Wajahan Boosaaso

Ciidanka Booliiska Puntland ayaa digniin culus u diray shacabka, iyagoo sheegay in firxadyo ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Daacish ay isku dayayaan in ay isku dhex qariyaan bulshada rayidka ah, kaddib cadaadis xooggan oo kaga yimid ciidamada ammaanka ee Puntland.

War rasmi ah oo kasoo baxay Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in dagaallamayaal katirsan kooxda Daacish, oo ku jabay dagaallo ka dhacay buuraha Calmiskad, ay hadda doonayaan in ay gabaad ka dhigtaan deegaannada ay ku nool yihiin dadka shacabka ah.

“Iyadoo laga duulayo dagaalka xaqa ah ee ciidankeenu kula jiraan kooxaha argagixisada ah, waxaa jira firxadyo ka tirsan kooxahaas oo laga yaabo inay isku dayaan inay ku dhex dhuuntaan shacabka, iyagoo ka faa’iideysanaya jabka ku dhacay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Booliisku wuxuu shacabka Puntland ku wargeliyay in ay si feejigan ula socdaan dhaqdhaqaaqa dadka aan la garanayn, ayna degdeg ula soo xiriiraan hay’adaha ammaanka haddii ay arkaan ama uga shakiyaan cid xiriir la leh kooxaha argagixisada.

“Ciidanka Booliska Puntland wuxuu ku wargelinayaa shacabka sharafta leh in qof kasta oo arka ama maqla cid looga shakisan yahay inay xiriir la leedahay kooxahaas naf-la-caariga ah” ayaa lagu xusay war-saxaafadeedka.

Kooxda Daacish ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku dhuumaaleysanaysay buuraha Calmiskad ee gobolka Bari, balse howlgalada ciidamada Puntland ayaa sabab u noqday inay lumiyaan goobo muhiim ah, taasoo keentay in xubno badan oo kooxda ka tirsan ay kala firxadaan.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada...

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles