Wednesday, March 4, 2026

MW Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay shir ku yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo golaha samatabixinta Soomaaliyeed oo ay mideysan yihiin madaxdii hore ee dalka, ee ka soo horjeeda hanaanka ay  dowladda Soomaaliya u wado doorashooyinka.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo dhowr ah oo la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, iyadoo qodobka ugu weyn uu yahay midnimada qaranka iyo sidii Jubaland iyo Puntland si buuxda loogu soo celin lahaa madasha wadahadalka qaran.

Mucaaradku waxay hor dhigi doonaan Madaxweynaha aragtiyadooda ku aaddan baahida loo qabo in la gaaro heshiis qaran oo ay ka muuqdaan dhammaan dhinacyada siyaasadeed, taas oo fure u ah hirgelinta doorasho lagu kalsoon yahay, xasilooni siyaasadeed iyo dhisidda dowlad loo dhanyahay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey u sheegay inuu la kulmi doono siyaasiyiinta ka aragtida duwan ee ka soo horjeeda dowladda.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles