Waxaa Todobaadkan lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay shir ku yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdii hore ee dalka, ee ka soo horjeeda hanaanka ay dowladda Soomaaliya u wado doorashooyinka.
Shirka ayaa waxaa uu noqon doonaa mid Al-baabada u xiran, islamarkaana aysan ka qeyb gelin doonin warbaahinta,dhinacyadana ay si hoose ay u wadahadli doonaan.
Dhanka kale xubnaha Madasha Samata-bixinta Mucaaradka Soomaaliyeed ayaa xalay kulan ku yeeshay hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, halkaasi oo ay mabda’a ahaan isku raaceen inay oggol yihiin kulan ay la yeeshaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib dalab rasmi ah oo uga yimid Villa Somalia.
Kulanka xalay ayaa la sheegay inuu ahaa mid hordhac u ah is-afgarad guud, balse xubnuhu ay isku raaceen in kulan kale oo gaar ah dhexdooda uu dhaco, si ay uga tashadaan waqtiga ku habboon ee kulanka rasmiga ah iyo xubnaha meteli doona Madasha kulanka la filayo.
Sidoo kale, waxaa la sugayaa in magaalada Muqdisho uu maanta soo gaaro Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo haatan ku sugan magaalada Nairobi,sidoo kale isna waxaa imaanaya R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Inta badan xubnaha Madasha ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kaddib markii ay ka soo laabteen safarro ay ku maqnaayeen dalka dibadiisa.


