Iiran oo shuruud ku xirtay wadahadalo cusub in la kala galo Hubka nukliyeerka

Iiraan ayaa sheegtay in aysan dib u bilaabi doonin wadahadalka ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka inta uu sii socdo weerarka lagu hayo, saacado ka dib markii wasiirka difaaca ee Israa’iil uu ka digay khilaaf “daba-dheeraada” oo kala sii dhexeeya Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Cabbaas Araghchi ayaa magaalada Geneva kula kulmay diblomaasiyiin reer Yurub ah kuwaas oo ku booriyay in uu dib u soo nooleeyo dadaallada dublamaasiyadeed ee kala dhexeeya Mareykanka ee ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee dalkiisa.

Dhigiisa Israa’iil, Eyal Zamir ayaa khudbad muuqaal ah ku sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay olole daba dheeraada, wuxuuna ka digay maalmo adag oo soo socda.

Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay mowjado cusub oo weeraro ah oo ka dhan ah kaydka gantaalada Iiran iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, kadib markii Iiran ay gantaalo ku garaacday bartamaha Israa’iil.

Qaraxyo ayaa laga maqlay meel u dhow magaalada Tel Aviv ee Israa’iil. Wararka ayaa sheegaya in dhisme ku yaal bartamaha Israa’iil uu dab qabadsiiyay firir soo dhacay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Janan oo Baladxaawo tagay, heshiiskii Nairobi iyo wareejinta xerada UK oo la qorsheeyay

Wararka laga helayo G/Gedo ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan...

Shiinaha oo digniin u diray Somaliland kadib xiriirka Taiwan

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay...

Mareykanka oo soo jeediyay in xafiiska Q.M ee UNSOS hal sano oo dheeraad ah lagu kordhiyo

Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay in Xafiiska Taageerada Qaramada...

Fadhigii Golaha Shacabka oo maanta Baaqday

Waxaa maanta baaqday fadhiga ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Golaha...

DFS oo sheegtay inay burburisay shabakado ka tirsan Al-Shabaab

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles