Sunday, January 18, 2026

MW Xasan Sheekh oo fariin u diray xubnaha la doortay ee Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka EAC

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Soomaaliyeed ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u doorteen in ay Soomaaliya ku matalaan Baarlamaanka Bariga Afrika.

Madaxweynuhu ayaa sheegay in ka mid noqoshada Xildhibaannadan ee Golaha Baarlamanaka Bariga Afrika ay tahay guul Soomaaliyeed oo ka tarjumaysa dib u kabashada dalka iyo kobaca doorka bulsho ee Soomaaliya, waxa uuna ku booriyey xubnahan in ay si firfircoon uga shaqeeyaan danaha iyo codka Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Xildhibaannadan laga sugayo in ay kor u qaadaan magaca iyo doorka Soomaaliya ee siyaasadda, dhaqaale iyo bulsho ee Bariga Afrika, isla markaana ay ku dadaalaan mideynta iyo horumarka gobolka.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha JFS” Laascaanood waa magaalada Midnimada iyo Astaanta Soomaaliya”

Laascanood,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

RW Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Somaliland oo ciidamo cusub ku soo Bandhigtay G/Sool

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ka badan 6,000 askari...

Madaxweyne Xasan oo Laascaanood ay isku wareysteen Wafdi ka socda dowladda Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoyga uu ka...

Weerar hubeysan oo xalay ka dhacay saldhigga dhexe ee Garowe

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo hubeysan ayaa xalay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles