Tuesday, March 3, 2026

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shirka ka dhacaya Itoobiya

MadaxweynahaSoomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ugu  qeyb galayo shir heer sare ah oo ay isugu imaanayaan Madaxda Midowga Afrika, gaar ahaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee ururkaas.

Shirkan oo ah mid muhiim ah, ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka Liibiya, iyadoo madaxda Midowga Afrika ay ka doodayaan xal waara oo lagu gaari karo colaadda muddada dheer ka taagan dalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu jeediyo khudbad uu ku ifinayo mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan muhiimadda nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa dadaallada Afrika ay ugu jirto xalinta khilaafaadka gudaha qaaradda.

Ilo ku dhow wafdiga madaxweynaha ayaa sheegay in kulammo gaar ah uu la yeelan doono qaar ka mid ah madaxda Afrika ee ka qeyb galaya shirka, si loo xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Shirkan ayaa imanaya xilli gobolka Geeska Afrika iyo waqooyiga qaaradda ay wajahayaan xaalado isbeddelaya, kuwaas oo u baahan mideynta dadaallada si loo helo nabad waarta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles