Wednesday, March 4, 2026

MW Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay waqtiga la qaban doono Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada, taas oo ka dhici doonta magaalada Muqdisho 15-ka Juun 2025.

Go’aankan ayaa ka dhashay wadatashiyo dhowr ah oo uu madaxweynuhu la yeeshay qaar ka mid ah madaxdii hore ee dalka, madaxda dowlad-goboleedyada, ururada siyaasadeed, iyo bulshada rayidka, si loo xoojiyo is-afgaradka siyaasadeed iyo midnimada qaranka.

Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha hortabinta u leh dowlad-dhiska dalka, oo ay ka mid yihiin: Amniga iyo ciribtirka argagixisada, dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka, dhammeystirka dastuurka, midnimada dalka iyo dhab-u-heshiinta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay siyaasiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay u diyaar garoobaan ayna si mug leh uga qeyb qaataan shirkan muhiimka u ah mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Fududeynta arrimaha farsamada ee shirka waxaa loo xilsaaray guddi gaar ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, kaas oo lala xiriiri karo wixii faahfaahin dheeri ah.

Warka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:-

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles