Wednesday, July 30, 2025

MW Xasan Sheekh oo kulan deg deg ah la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan aan caadi aheyn la qaatay dhamaan taliyaasha ciidamada qaranka, iyadoo la iska wareystay xaalada guud ee dalka marayo iyo dagaalkii ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelada Dhexe, sida ay sheegeen ilo wareedyo muhiim ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa ayaa shirkaas dartiis shalay u yimid magaalada Muqdisho, isagoo ka soo ka soo laabtay furimaha dagaalka ee HirShabeelle, halkaas oo uu kula sugnaa ciidankii maalmo ka hor laga qabsaday degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan ay ku sugnaayeen Taliyasha, Milatariga,  Booliska, Nabad Sugidda, Asluubta iyo masuuliyiinta kale ee amniga, sida la taliyaha amniga qaranka, iyadoona madaxweynaha la sheegay inuu aad ugu xumaaday in maleeshiyaadka Al-shabaab ay qabsadaan degmada Aadan Yabaal, waxaa uuna saraakiisha dowladda ku amray in si deg deg ah loo qabto degmada.

Kulan  ayaa ahaa mid ay ka soo baxeen go’aano xasaasi ah, kaasi oo ah in wax laga  bedelo qorshaha dagaalka ee dhanka Al-shabaab iyo siddii dib looga laaban lahaa deegaanada ay la wareegeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Hadalkii ugu dambeeyey ee madaxweynaha Soomaaliya uu maalin ka hor ka jeediyey shir ka dhacay Muqdisho wuxuu ku sheegay in dowladdu ay tallaabooyin deg deg ah qaadi doonto, isagoo qiil u sameeyey deegaanada laga qabsaday dowladda.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles