Tuesday, March 3, 2026

MW Xasan Sheekh oo la kulmay madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada ee dalka Jabuuti Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah, iyada oo ay labada Madaxweyne ka wada hadleen muhiimadda iskaashi buuxa oo ay Jabuuti la yeelato Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo garab istaagga geeddi-socodka xasilinta iyo dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay xaaladaha bini’aadantinimo ee ka dhashay abaaraha saameeyay qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan gobolka Awdal. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday dowladda Jabuuti in ay kaalin wax ku ool ah ka qaadato gurmadka iyo taageerada loo fidinayo bulshada Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool Gobolka Awdal.

Intii uu socday kulanka, labada Madaxweyne waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku aadan xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika, iyaga oo adkeeyay baahida loo qabo iskaashi dhow iyo wada-tashi joogto ah oo ku saleysan danaha wadajirka ah.

Ugu dambeyntii, labada Madaxweyne waxay hoosta ka wada xariiqay in xasilloonida, midnimada, iyo horumarka Soomaaliya ay saldhig u tahay nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles