Al-shabaab oo muddo sanado ah kadib la wareegay Degmada Maxaas

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saacado badan oo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab saakay  ay ku qaadeen deegaanka lagu magacaabo birta mudan  oo u dhaxeeya degamada Maxaas iyo deegaanka Wabxo oo kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.

Dagaalka maanta ayaa waxaa ku geeriyooday Taliye Maxamed Shidane Afrax oo ahaa taliyihii nabad sugida e degmada cadaado, waxaana sidoo kale ku dhintay seddex askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda.

Sidoo kale maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa iyaguna khasaare xooggan lagu gaarsiiyay dagaalka.

Dhinacyada dhowr jeer dagaal culus ku dhexmaray duleedka degmada Maxaas, kadib markii maleeshiyada ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen degmadaasi,

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Al-shabaab  ay 15 Sano kadib la wareegeen degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan oo ay seddex jiho kasoo weerareen, sida ay sheegayaan dad Goobjoogayaal ah.

La wareegistan ayaa ka dambeysay kadib dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidamada xoogga oo kaashanaya kuwa dadka iyo AS uu ku dhexmaray deegaanka Birta oo ah Soohdinta kala qeybiya Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Al-shabaab muddo ma aysan tagin degmada, waxaana maamulayay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka, waxaayna aheyd degmada si weyn looga difaacay kooxda.

Sanadkii 2024 ayay aheyd markii ciidamada Itoobiya ay ka baxeen saldhiyadii ay ku lahaayeen degmada Maxaas.

La wareegista Al-shabaab ee Magaalada Maxaas ayaa imaanaya xili dhawaan maleeshiyaadka ay la wareegeen degmada Moqokori iyo deegaanka Tardo oo ka wada tirsan Gobolka Hiiraan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles