Tuesday, March 3, 2026

MW Xasan Sheekh oo labo qodob ka dalbaday MW Hore Sheekh Shariif

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan la qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulankan, oo ka dhacay guriga Sheekh Shariif ee Muqdisho, ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen tabashooyin shakhsi ah, kuwaas oo labada madaxweyne ay isla heshiiyeen.

Xisbiga Himilo Qaran, ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif, ayaa war-saxaafadeed soo saaray, isaga oo ka hadlay kulankan. Xisbiga ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulanka ku soo bandhigay rabitaankiisa ku aaddan qabashada shir wadatashi qaran, oo ay mucaaradka hore ugu baaqeen, isagoo ka dalbaday Sheekh Shariif in uu door muuqda ka qaato sidii shirkaasi u noqon lahaa mid guul ku dhammaada oo lagu gaaro heshiis qaran.

Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa la sheegay inuu aqbalay arrintaas, isagoo muujiyay diyaar ahaanshihiisa inuu wax kasta oo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka qayb qaato.

Waxaa la aaminsan yahay in madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor, uu ka qaybqaatay isu soo dhawaanshaha Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Hore Sheekh Shariif, isagoo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb.

Kulankan ayaa ku soo aaday xilli Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo uu ka mid yahay Sheekh Shariif, ay qorsheynayaan inay dhawaan magaalada Garowe ku qabtaan shir ay uga arrinsanayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Kulankan ayaa loo arkaa mid uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku doonayo in lagu xaliyo tabashooyinka ay qabaan Madasha Mucaaradka, iyo maamulka Jubbaland iyo Puntland, iyadoo loo diyaar garoobayo wadatashi guud oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles