Sunday, February 8, 2026

MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar

Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bilaabay booqasho rasmi ah oo uu ku tagay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisa.

Booqashadan ayaa ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyo sare u qaadidda iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo siyaasadda, xilli ay gobolka Geeska Afrika ka socdaan isbeddello siyaasadeed oo xasaasi ah.

Inta uu ku sugan yahay Qaahira, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan muhiim ah la qaadan doona dhiggiisa dalka Masar, Madaxweyne Cabdifataax Al-Sisi, waxaana ay ka wadahadli doonaan sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagula tacaalayo caqabadaha amni ee ka jira gobolka, looguna xoojin lahaa ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa hirgelinta heshiisyadii difaac ee horay u dhex maray labada dal, iyo doorka dowladda Masar ee ku aaddan taageerada iyo tababarka Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilligan lagu jiro kala guurka howlgalada nabad-ilaalinta.

Booqashadan ayaa muujinaysa sida ay Soomaaliya iyo Masar uga go’an tahay dhisidda isbahaysi xooggan oo ku dhisan danaha wadajirka ah, iyadoo dowladda Masar ay marar badan ku celisay inay si buuxda u garab taagan tahay midnimada, madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirro ka tirsan XFS oo Bandhigga Difaaca Adduunka kaga qeyb galay Riyaadh

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin...

Sanataro ka tirsan Aqalka sare oo ka shiray dib-u-eegista Dastuurka

Sanatarro ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Jubbaland oo ka hortimid wax ka badelka lagu sameynayo Dastuurka

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay si...

Xasan Sheekh “Haddii Israel ciidamo keento Waqooyiga Soomaaliya, waan la dagaallami doonnaa”

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si...

Agaasimaha NISA oo ka qeyb galay shir ka dhacay Ciraaq

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA),  Mahad Maxamed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles