Sanataro ka tirsan Aqalka sare oo ka shiray dib-u-eegista Dastuurka

Sanatarro ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo si qoto dheer loogu gorfeeyey arrimo la xiriira dib-u-eegista Dastuurka iyo doorka masuuliyadeed ee Aqalka Sare ka saaran dhammaystirkiisa.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo wajaho howlaha dastuuriga ah, iyadoo Sanatarradu adkeeyeen baahida loo qabo iskaashi, wada-shaqeyn iyo isu-tanaasul, si loo helo Dastuur dhammaystiran oo saldhig u noqda dowlad dhis waara, midnimo qaran iyo xasilloonida dalka.

Ugu dambeyntii, Sanatarrada ayaa isku raacay muhiimadda joogteynta kulammada noocan ah, ilaalinta danta guud ee Qaranka, iyo dardar-gelinta hannaanka dowlad-wanaagga, iyagoo carrabka ku adkeeyey in la dhowro xeer-hoosaadka Golaha iyo habsami u socodka howlaha sharci-dejinta

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles