Wasiirro ka tirsan XFS oo Bandhigga Difaaca Adduunka kaga qeyb galay Riyaadh

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa booqasho shaqo ku jooga magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa maanta ka qaybgalay furitaanka bandhigga Difaaca Adduunka (World Defense Show) 2026 oo ka furmay Riyaad.

Bandhigga waxaa sidoo kale ka qayb galaya wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo uu wehliyo Taliyaha Ciidamada Boosliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullahi.

Bandhiggan, oo ah kii saddexaad, ayaa socon doona 8 ilaa 12 Febraayo 2026, waxaana ka qaybgalaya wufuud caalami ah, hay’ado dowladeed iyo shirkado ku takhasusay warshadaha difaaca iyo amniga, Inta uu Wasiirku ku sugan yahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaa uu saxiixi doonaa heshiis difaac oo u dhexeeya labada dal.

Ka qaybgalka wafdiga Soomaaliya ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga difaaca, is-weydaarsiga khibradaha iyo la socodka tiknoolajiyada casriga ah ee amniga iyo warshadaha militariga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles