Wasiirro ka tirsan XFS oo Bandhigga Difaaca Adduunka kaga qeyb galay Riyaadh

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa booqasho shaqo ku jooga magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa maanta ka qaybgalay furitaanka bandhigga Difaaca Adduunka (World Defense Show) 2026 oo ka furmay Riyaad.

Bandhigga waxaa sidoo kale ka qayb galaya wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo uu wehliyo Taliyaha Ciidamada Boosliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullahi.

Bandhiggan, oo ah kii saddexaad, ayaa socon doona 8 ilaa 12 Febraayo 2026, waxaana ka qaybgalaya wufuud caalami ah, hay’ado dowladeed iyo shirkado ku takhasusay warshadaha difaaca iyo amniga, Inta uu Wasiirku ku sugan yahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaa uu saxiixi doonaa heshiis difaac oo u dhexeeya labada dal.

Ka qaybgalka wafdiga Soomaaliya ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga difaaca, is-weydaarsiga khibradaha iyo la socodka tiknoolajiyada casriga ah ee amniga iyo warshadaha militariga.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles