Jubbaland oo ka hortimid wax ka badelka lagu sameynayo Dastuurka

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay si adag uga hortimid tallaabada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ah, iyada oo ku tilmaantay mid mas’uuliyad-darro ah oo khatar ku ah midnimada dalka iyo hanaanka dowladnimada.

Jubaland ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka ay baalmarsan tahay habraacyadii sharciga ahaa ee lagu beddeli lahaa dastuurka, taasoo, sida ay tilmaantay, ka dhigan ku tumasho dastuurkii lagu soo doortay hoggaanka hadda jira.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu yiri:

“Dowladda Federaalka ah waxay si mas’uuliyad darro ah ugu tumanaysaa dastuurkii lagu doortay, iyada oo wax ka baddelkiisa u maraysa hannaan baalmarsan habraacyadii ku qornaa dastuurka.”

Sidoo kale, Jubaland ayaa si weyn u cambaareysay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay xarunta Baarlamaanka Federaalka, iyada oo sheegtay in xildhibaano ka soo horjeeday go’aamada uu dabada ka riixayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay la kulmeen jirdil iyo handadaad halis geliyay naftooda.

“Ficilladii u dambeeyay ee ka dhacay goleyaasha baarlamaanka waxay muujinayaan xilkasnimo-darro weyn, waxaana la handaday laguna jirdilay xildhibaano ka hor yimid go’aamada madaxweynaha,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn, Jubaland ayaa caddeysay in deegaannadeeda iyo shacabkeeda aan lagu dhaqi doonin dastuur aan dhammaystirneyn, kana maqan tahay kalsoonida labada gole ee baarlamaanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles