Jubbaland oo ka hortimid wax ka badelka lagu sameynayo Dastuurka

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay si adag uga hortimid tallaabada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ah, iyada oo ku tilmaantay mid mas’uuliyad-darro ah oo khatar ku ah midnimada dalka iyo hanaanka dowladnimada.

Jubaland ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka ay baalmarsan tahay habraacyadii sharciga ahaa ee lagu beddeli lahaa dastuurka, taasoo, sida ay tilmaantay, ka dhigan ku tumasho dastuurkii lagu soo doortay hoggaanka hadda jira.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu yiri:

“Dowladda Federaalka ah waxay si mas’uuliyad darro ah ugu tumanaysaa dastuurkii lagu doortay, iyada oo wax ka baddelkiisa u maraysa hannaan baalmarsan habraacyadii ku qornaa dastuurka.”

Sidoo kale, Jubaland ayaa si weyn u cambaareysay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay xarunta Baarlamaanka Federaalka, iyada oo sheegtay in xildhibaano ka soo horjeeday go’aamada uu dabada ka riixayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay la kulmeen jirdil iyo handadaad halis geliyay naftooda.

“Ficilladii u dambeeyay ee ka dhacay goleyaasha baarlamaanka waxay muujinayaan xilkasnimo-darro weyn, waxaana la handaday laguna jirdilay xildhibaano ka hor yimid go’aamada madaxweynaha,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn, Jubaland ayaa caddeysay in deegaannadeeda iyo shacabkeeda aan lagu dhaqi doonin dastuur aan dhammaystirneyn, kana maqan tahay kalsoonida labada gole ee baarlamaanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles