Xasan Sheekh “Haddii Israel ciidamo keento Waqooyiga Soomaaliya, waan la dagaallami doonnaa”

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga hadlay suurtagalnimada in ciidamo ka socda Israel la geeyo Waqooyiga Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay arrintaasi mid khatar ku ah madaxbannaanida iyo midnimada dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin faragelin shisheeye oo lagu sameeyo dhulka Soomaaliyeed, gaar ahaan mid militari, taasoo wax u dhimaysa amniga iyo qarannimada dalka.

“Dalkayagu waa mid xor ah, lehna madax-bannaani buuxda. Haddii Israel ama cid kale ay isku daydo inay ciidamo keento Waqooyiga Soomaaliya, waan iska difaaci doonnaa, waanan la dagaallami doonnaa inta awoodeenna ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay ixtiraamaan midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabooyin keeni kara xasillooni-darro cusub.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay taagan yihiin dooddo la xiriira xiriirka dibadda iyo xaaladda siyaasadeed ee gobollada Waqooyi, taasoo weli ah mid xasaasi ah.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles