Agaasimaha NISA oo ka qeyb galay shir ka dhacay Ciraaq

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA),  Mahad Maxamed Salaad, ayaa ka qaybgalay fadhiga 7-aad ee Shirka Madaxda Hay’adaha Sirdoonka dalalka Carabta, kaas oo ay isugu yimaadeen wakiillo ka socday 22 dal oo Carbeed.

Shirkan oo lagu qabtay magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqaynta, iskaashiga iyo is-weydaarsiga xogta amniga ee u dhexeeya hay’adaha sirdoonka dalalka Carabta, si loo wajaho caqabadaha amni ee isa soo taraya.

Intii uu socday shirka, ayaa si gaar ah loo falanqeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada, wadajirka iyo ilaalinta madax-bannaanida dowladaha Carabta, iyadoo sidoo kale xoogga la saaray dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ah iyo shabakadaha khatarta ku ah xasilloonida gobolka.

Agaasimaha NISA, Mudane Mahad Salaad, ayaa kulammo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxda hay’adaha sirdoonka dalalka ka qaybgalay shirka, kuwaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, tababarrada iyo wadaagga xogaha muhiimka ah.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo amniga guud ee dalalka Carabta, isla markaana lagu xoojinayo wada shaqaynta ka dhanka ah khataraha argagixisada iyo dambiyada abaabulan.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles