MW Xasan Sheekh oo maanta tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Miliateriga Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo soo dhammaystay tababarka aas-aasiga ah ee ciidanka, kaddib muddo ku dhow hal sano oo ay tababar ku qaadanayeen deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galguduud.

Ciidamadan oo laga soo qoray dhammaan gobollada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa noqonaya ciidamadii ugu badnaa ee tababar heerkan ah ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii dalka, iyaga oo qaatay duruus iyo tababbarro ciidan oo dhammaystiran, kuwaasi oo ku saabsanaa xirfadaha ciidanka, anshaxa iyo xeerka ciidanka, xeeladaha dagaalka iyo aqoonta lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadka qaran.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in ciidamadan ay astaan u yihiin soo kabashada dowladnimada iyo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, maadaama markii ugu horreysay kumannaan askari ay ku qalin-jabiyeen dugsi ciidan oo ku yaalla gudaha dalka, iyagoo si rasmi ah ugu biiraya safafka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamada kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa iyo sharafta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, dhowraan midnimada iyo qarannimada dalka, ayna waajibaadkooda u gutaan si daacadnimo, waddaniyad iyo masuuliyad leh.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Hawlaha Guud, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Maamulka Gobolka Galguduud iyo kan magaalada Dhuusamareeb iyo mas’uuliyiin kale.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo dhambaal hambalyo ah ka gudoomay jabuuti

Hoggaamiyaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa...

Soomaaliya iyo Sweden oo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Beesha Caalamka oo dhex-dhexaadinaya heshiiska doorashada, Deni iyo Axmed Madoobe oo amnigooda la sugayo

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saaxiibbada caalamiga ah...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo...

Shiinaha ayaa beeniyay in ay basaaseen madaxa shirkadda Nvidia

Shiinaha ayaa iska fogeeyay waxa uu ku tilmaamay eedeymo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles