MW Xasan Sheekh oo soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa abaal marinno lacageed guddoonsiiyey Ardeydii kaalimaha hore ka galay tartanka sannadkan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tartankan Quraanka Kariimka ah uu ka tarjumayo sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dhaggan yihiin diintooda suubban, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in dowladnimada Soomaaliyeed ay u taagantahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka ayaa abaal marin dhan 20.000 oo doolar waxa uu guddoonsiiyey Cabdiraxmaan Cabdullahi Cismaan oo kaalinta koowaad u galay sannadka Tartanka Quraanka Kariimka ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa abaal marinno guddoonsiiyey xufaadda kaalimaha hore galay oo kala ah;

1:Cabdiraxmaan Cabdullahi Cismaan $20,000

2:Sakariye Cabdullahi Xassan Rooble $15,000

3:Cismaan Cabdullaahi Cismaan $10,000

4:Caaisha Aadan Maxamed $7,000

5:Cabdiraxmaan Cali Xuseen $5,000

6:Usaama Yuusuf Farxaan $3,000

7:Ibraahin Cabdiraxmaan Ibraahim $2,000

Ugu danbeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey waalidiinta iyo macallimiinta barbaariyey ardeyda ku guuleysatay tartanka Quraanka Kariimka ah, waxa uuna Alle uga baryey in uu ku anfaco, fahamkooda barakeeyo, kana yeelo kuwii dalkooda ugu adeega.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Janan oo Baladxaawo tagay, heshiiskii Nairobi iyo wareejinta xerada UK oo la qorsheeyay

Wararka laga helayo G/Gedo ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan...

Shiinaha oo digniin u diray Somaliland kadib xiriirka Taiwan

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay...

Mareykanka oo soo jeediyay in xafiiska Q.M ee UNSOS hal sano oo dheeraad ah lagu kordhiyo

Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay in Xafiiska Taageerada Qaramada...

Fadhigii Golaha Shacabka oo maanta Baaqday

Waxaa maanta baaqday fadhiga ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Golaha...

DFS oo sheegtay inay burburisay shabakado ka tirsan Al-Shabaab

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles