Wednesday, July 9, 2025

Qoor qoor oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa si cad u sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay, islamarkaana kaliya loo baahan yahay in loo midoobo sifeynta kooxda.

Qoor Qoor ayaa xusay in aysan jirin awood ama ciidan u soo kordhay maleeshiyaadka Al shabaab balse ay yihiin nafla caari ayna mudan yihiin in qeybta ka hartay loo midoobo si looga ciribtira lahaa guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa waxaa uu Shacabka iyo Culuma’udiinka Dhuusamareeb ka codsaday  inay Maamulkiisa ku garab istaagaan xoojinta iyo dadaalada dardargelinta dagaalka lagula jiro Kooxaha Argagixisada.

Sidoo kale waxa uu fariin u diray dadka degaanadaasi ku nool in iyadoo kaga faaideysanayo Bisha Ramadan in ay iscaawiyaan maadama meelo kamid ah degaanada Galmudug ay abaaro ka jiraan.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in laga waantoobo colaadaha dhexdooda ah ee qabaailka quseeya waxaana fursad ay u tahay ayuu yiri inay Kooxda Al shabaab dib usoo abaabulaan.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Maxay ka wadahadleen wasiir Fartaag iyo wafdiga Q.M.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi...

Fiqi oo beeniyay in DF ay ciidamo geynayso Sanaag

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu...

Ergooyin ka qeyb galaya shirka lagu dhameystirayo maamulka SSC Khaatuma oo ku wajahan Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta martigelin...

Ciidamada DFS iyo kuwa dadka deegaanka oo wada abaabul ay markale ku qabsanayaan Moqokori

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in...

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, Maxamed Cabduqaadir Cali,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles