Qoor qoor oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa si cad u sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay, islamarkaana kaliya loo baahan yahay in loo midoobo sifeynta kooxda.

Qoor Qoor ayaa xusay in aysan jirin awood ama ciidan u soo kordhay maleeshiyaadka Al shabaab balse ay yihiin nafla caari ayna mudan yihiin in qeybta ka hartay loo midoobo si looga ciribtira lahaa guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa waxaa uu Shacabka iyo Culuma’udiinka Dhuusamareeb ka codsaday  inay Maamulkiisa ku garab istaagaan xoojinta iyo dadaalada dardargelinta dagaalka lagula jiro Kooxaha Argagixisada.

Sidoo kale waxa uu fariin u diray dadka degaanadaasi ku nool in iyadoo kaga faaideysanayo Bisha Ramadan in ay iscaawiyaan maadama meelo kamid ah degaanada Galmudug ay abaaro ka jiraan.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in laga waantoobo colaadaha dhexdooda ah ee qabaailka quseeya waxaana fursad ay u tahay ayuu yiri inay Kooxda Al shabaab dib usoo abaabulaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles