MW Xasan Sheekh”“Ciidamadeennu waxay naftooda u hureen difaaca dalkeenna iyo badbaadinta mustaqbalka jiilasha soo socda

Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray qeybaha, talisyada iyo darajooyinka kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta ay ku beegan tahay xuska 65 guurada aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada ay ka xoreeyeen, isagoo bogaadiyey naf-hurnimadooda iyo sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda difaacaan, kana sifeeyaan argagixisada ku soo duushay.

“Ciidamadeennu waxay naftooda u hureen difaaca dalkeenna iyo badbaadinta mustaqbalka jiilasha soo socda. Mudadii la soo dhaafay, waxay guulo muhiim ah ka gaareen la-dagaallanka argagixisada, iyagoo xoreeyay deegaano badan oo muhiim ah, isla markaana jab xoogan u geystay kooxaha nabad-diidka ah”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujiyey dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan tayeynta, qalabaynta iyo kor u qaadidda nolosha Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba jibaaraan taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab taagan yihiin ciidanka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Masar oon oggolaaday in taageero milatari la siiyo Sacudiga

Baarlamaanka Masar ayaa oggolaaday in taageero milatari loo diro...

Katz : Israel ma qorsheyneyso in ay weerarto Iran ka hor dorashada

Wasiirka difaaca Isreal Israel Katz ayaa maanta oo isniin...

Iran oo diiday dalabkii Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ee ahaa in wada-hadal lala yeesho

Maalmo ka hor intii aysan Britain, Faransiiska iyo Jarmalku...

Xasan Sheekh oo mucaaradka ugu yeeray gogol wadahadal oo Muqdisho ka furmaysa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah...

Firdhiye iyo Abwaan oo heshiis ka gaaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa

Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles