Xafiiska RW Xamsa oo war ka soo saaray ujeedka socdaalkooda ee Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ahna caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska R/wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu ka degay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Laascaanood, waxaa halkaas kusoo dhoweeyay masuulliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Saraakiil ciidan iyo boqolaal dadweyne ah oo muujinayey taageeradooda ku aaddan booqashada Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Safarka midnimada ee Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa, ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ee lagu xoojinayo midnimada dalka iyo horumarinta adeegyada dowladdeed ee ay u baahan yihiin bulshada reer SSC-Khaatumo.

Mudane Xamsa, oo kumanyaal shacabka Laascaanood ah kula hadlay garoonka, ayaa uga mahadceliyey soo dhowaynta milgaha iyo maamuuska leh ee ay ku qaabileen, isaga oo ku tilmaamay in ay astaan u yihiin midnimada iyo wadajirka Shacabka Soomaaliyeed marwalbana ay difaacan Qaranimada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Masar oon oggolaaday in taageero milatari la siiyo Sacudiga

Baarlamaanka Masar ayaa oggolaaday in taageero milatari loo diro...

Katz : Israel ma qorsheyneyso in ay weerarto Iran ka hor dorashada

Wasiirka difaaca Isreal Israel Katz ayaa maanta oo isniin...

Iran oo diiday dalabkii Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ee ahaa in wada-hadal lala yeesho

Maalmo ka hor intii aysan Britain, Faransiiska iyo Jarmalku...

Xasan Sheekh oo mucaaradka ugu yeeray gogol wadahadal oo Muqdisho ka furmaysa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah...

Firdhiye iyo Abwaan oo heshiis ka gaaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa

Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles