Tuesday, March 3, 2026

MW Xasan Sheekh”Xiriir Toos ah ayaa dhexmaray Xuutiyiinta Yemen, Al-Shabaab iyo Daacish”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaciyay xog muhiim ah oo la xiriirta amniga qaranka, isaga oo wargeyska Asharq Al-Awsat ee kasoo baxa dalka Sacuudi Carabiya uga warramay xiriir khatar ah oo ay sirdoonka Soomaaliya ogaadeen inuu ka dhexeeyo kooxaha argagixisada ee gobolka.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in hay’adaha sirdoonka Soomaaliya ay dhawaan xaqiijiyeen xiriir toos ah oo u dhaxeeya kooxda Xuutiyiinta Yemen, Al-Shabaab iyo Daacish — kooxahan oo si wadajir ah isugu xiran hub, sirdoon iyo khibrado ciidan.

“Waan ogaanay in kooxda Xuutiyiinta ay si toos ah u taageeraan kooxaha argagixisada ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya. Waxaa jiray is dhaafsi hub, tababaro iyo diyaarado drone ah oo laga soo diray Yemen, loona waday Soomaaliya si loogu adeegsado falal lagu dhibaateeyo shacabka iyo dowladnimada,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay gacanta ku dhigeen shixnado qaraxyo ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drone), kuwaas oo si qarsoodi ah looga soo raray Yemen. Intaas waxaa dheer in la burburiyay shabakad tahriibin ah oo ka shaqeynaysay kala gudbinta hub iyo xubno xiriir la leh kooxahaasi.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in xiriirka u dhexeeya kooxahan uu yahay mid khatar ku ah amniga gobolka, gaar ahaan Badda Cas iyo marin biyoodka muhiimka ah ee Khaliijka Cadan. Wuxuu ugu baaqay dalalka gobolka iyo kuwa caalamiga ah in ay si dhab ah ula shaqeeyaan Soomaaliya si loo cirib tiro khatarahan wadajirka ah.

Xogtan cusub ayaa imaneysa xilli Soomaaliya ay wajahayo dagaallo culus oo ka dhan ah argagixisada, iyadoo Dowladda Federaalka ay xoojineyso dadaallada lagu sugayo amniga dalka iyo guud ahaan gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles