Shaqaale lagu dilay weerar ka dhacay Mandheera

Ugu yaraan shan shaqaale ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, halka laba kalena ay si xun ugu dhaawacmeen weerar hubeysan oo dabley looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay ku qaadeen goob ay shaqaaluhu ku sugnaayeen tuulada Buur Abor ee Bariga Mandheera, gobolka waqooyi-bari ee Kenya.

Kooxda weerarka qaaday ayaa si lama filaan ah u hareereeyay gaari ay wateen shaqaalaha, wax yar uun kadib markii ay goobta yimaadeen, Waxaa la sheegay inay si toos ah ugu fureen rasaas culus, taasoo sababtay dhimashada shan qof iyo dhaawaca laba kale, iyadoo inta kale ee shaqaalaha oo gaaraya 25 qof ay ku guuleysteen inay goobta ka baxsadaan.

Weerarkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo laga soo wariiyo deegaankaasi, taasoo sare u qaaday walaaca dadka deegaanka iyo mas’uuliyiinta ku aaddan amniga gobolkaas.

Maamulka gobolka iyo laamaha ammaanka ayaa bilaabay baaritaanno, iyagoo ballan qaaday in la xaqiijin doono nabadgelyada deegaanka.

Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in ay kordhiso joogitaanka ciidamada ammaanka si loo xakameeyo khatarta sii kordheysa ee Al-Shabaab ee ka imaaneysa xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Weerarkan wuxuu kusoo beegmayaa xilli gobolka Mandheera uu horey u wajahaya dhibaatooyin dhinaca amniga ah oo la xiriira weerarro isdaba joog ah oo kooxda Al-Shabaab ka fuliso xadka labada dal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles