Monday, July 20, 2026

Xukunno lagu riday ragii ku lugta lahaa kiiska dadkii ku dhintay badda Madagaskar

Maxkamadda gobolka Banaadir , ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday rag loo heestay in ay dalka ka tahriibiyeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyooday badda jasiirada Madagaskar.

Kiiskan oo dhageysigiisa maalmihii lasoo dhaafay ka socotay maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa maanta xukunno kala duwan oo xabsi ah ku riday qaar kamid ah dadkii lasoo eedeeyay, halka qaar kalana dambi lagu waayay.

Ragga lagu helay kiiskan tahriibinta ah , ayaa qaarkood lagu xukumay in ay bixiyaan megta qaar kamid ah dadkii ku dhintay badda oo ay tahriibinayeen iyo sidoo kale in ay celiyaan lacago ay ka qaateen dad kale oo iyana ay tahriibin rabeen.


Hoos ka akhriso magacyada iyo xukunka kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

1-Mubaarak Maxamed Xasan waxay maxkamaddu ku waysay wax dambi ah, waxayna baab’isay damaanad uu bannaanka ku joogay, sidoo kale waxay u celisay xoriyaddiisa.

2-Maxamed Jimcaale Raagewaxay maxkamaddu ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan qodobka 447 lala akhriyay 71 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna ku xukuntay 4 sano oo xarig ah.

3-Maxamuud Cali Maxamed maxkamaddu ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan qodobka 447 lala akhriyay 71 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna ku xukuntay 2 sano oo xarig ah

3-Cabdiwahaan Nuur Mahdi maxkamaddu waxay ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan qodobka 2250 oo lala sii akhriyay qodobka 45, waxayna ku xukuntay 1 sano oo xarig ah.

4-Ibraahim Cabdi Ibraahim maxkamaddu waxay ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan 298, farqaddiisa koowaad oo lala akhriyay 45, waxayna ku xukuntay 6 bilood oo xarig ah.

5- Waliid Cabdullaahi Abuukar maxkamaddu waxay ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan 298, farqaddiisa koowaad oo lala akhriyay 45, waxayna ku xukuntay 6 bilood oo xarig ah.

6-Cabdiqani Maxamed Cali maxkamaddu waxay ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan 298, farqaddiisa koowaad oo lala akhriyay 45, waxayna ku xukuntay 6 bilood oo xarig ah.

Sidoo kale, waxaan xukun kale uu kusii dhacay dambiileyaal Maxamed Jimcaale Raage iyo Maxamuud Cali Maxamed waxaana lagu xukumay inay bixiyaan:-

1-Diyada Marxuumad Fatxi Xuseen Calioo ah 50 halaad oo geel ah

2-Diyada Marxuumad Binti Cali Nuuroo ah 50 halaad oo geel ah

3- Diyada Marxuumad Laylo Cismaan Maxamed oo ah 50 halaad oo geel ah

4-1-Diyada Marxuumad Aamino Axmed Baashe oo ah 50 halaad oo geel ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Caawa waxaa soo gabagaboobaya tartankii Koobka Adduunka ee ugu dheeraa taariikhda

Ka dib shan toddobaad oo tartan ah iyo 104...

Masar iyo Soomaaliya oo ka wadahadlay Badmaaxiinta lagu afduubtay dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aaty, ayaa...

Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 8-aad ee BFS oo la Shaaciyay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ruto oo Ballanqaaday inuu Taageerayo Musharraxa ay Ku Midoobaan Soomaalida Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa kulan albaabadu u xiran...

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga Ka Dalbaday Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip ErdoÄŸan, ayaa si rasmi ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles