Tuesday, August 18, 2026

Natiijada doorashada Zambia oo la shaaciyay

Guddiga Doorashooyinka Zambia ayaa sheegay in Madaxweyne Hakainde Hichilema uu ku guuleystay markii labaad doorashadii dalkaasi ka dhacday.

Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa sheegay in doorashadii toddobaadkii hore ay hareeyeen cabsi-gelin iyo afduubyo.

Ciidamada ammaanka Zambia ayaa qabtay hub, waxayna xireen 11 qof, oo ay ku jiraan xubno sare oo mucaaradka ah, kuwaas oo dowladda ku eedeysay inay ku lug lahaayeen qorshe kacdoon.

Brian Mundubile, oo ahaa musharraxa ugu weyn ee mucaaradka doorashadii madaxtinimo ee Khamiistii, ayaa sidoo kale la sheegay inuu ku sugnaa goob laga sameyay howlgal, sida uu sheegay sarkaalka ugu sarreeya dowladda, Patrick Kangwa.

Mundubile ayaa sheegay in eedeymahaasi yihiin “been-abuur aan sal iyo raad lahayn”, isagoo sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanku ay isku dayeen inay naftiisa waxyeelleeyaan xilli ay jimcihii baaritaan ka sameynayeen gurigiisa.

WARARKII KALE

Laftagareen oo ka hadlay dagaalkii Baydhabo ka dhacay

Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles