Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku aqoonsan doono dawladda Falastiiniyiinta bisha September , haddii aysan Israa’iil qaadin tallaabooyin dheeraad ah oo lagu soo afjarayo xaaladda naxdinta leh ee Qasa, oo ay ku jirto inay ogolaato xabbad joojin.

Hadalkan kasoo yeeray dowladda Ingiriiska, ayaana niyadjab iyo wal wal badan ku abuuray maamulka Israa’iil, waxa ayna cabsi badan ka qabaan in dowladda Ingiriiska iyo dowlado kale waa weyn si deg deg ah u aqoonsadaan dowladda Falastiin.

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil , Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in qorshaha Ingiriiska ay ku aqoonsanayso dowladnimada Falastiin, haddii aysan Israa’iil gaarin xabbad-joojin ka hor bisha Sebtembar ay arrintaasi abaal-marin u noqon doonto kooxda Xamaas, sida uu tilmaamay.

Waxa uu sheegay Netanyahu , hadalkan kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Ingiriiska in uu muujinayo is beddel weyn oo ku yimid siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, waxa uuna hadalka Keir Starmer ku tilmaamay mid lagu qancinayo mujaahidiinta , sida uu hadalka u dhigay.

Israa’iil, ayaa xasuuq ba’an wali ka geysaneysa magaalada Qasa, halka dadka ka badbaaday gantaalaha iyo rasaasta Israa’iil u dhimanayaan gaajo iyo harraad, taas oo dalal badan oo horey Israa’iil u taageersanaa si weyn uga horyimaadeen, kuna cadaadinayaan Israa’iil in ay nabadda qaadato.

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles