Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku aqoonsan doono dawladda Falastiiniyiinta bisha September , haddii aysan Israa’iil qaadin tallaabooyin dheeraad ah oo lagu soo afjarayo xaaladda naxdinta leh ee Qasa, oo ay ku jirto inay ogolaato xabbad joojin.

Hadalkan kasoo yeeray dowladda Ingiriiska, ayaana niyadjab iyo wal wal badan ku abuuray maamulka Israa’iil, waxa ayna cabsi badan ka qabaan in dowladda Ingiriiska iyo dowlado kale waa weyn si deg deg ah u aqoonsadaan dowladda Falastiin.

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil , Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in qorshaha Ingiriiska ay ku aqoonsanayso dowladnimada Falastiin, haddii aysan Israa’iil gaarin xabbad-joojin ka hor bisha Sebtembar ay arrintaasi abaal-marin u noqon doonto kooxda Xamaas, sida uu tilmaamay.

Waxa uu sheegay Netanyahu , hadalkan kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Ingiriiska in uu muujinayo is beddel weyn oo ku yimid siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, waxa uuna hadalka Keir Starmer ku tilmaamay mid lagu qancinayo mujaahidiinta , sida uu hadalka u dhigay.

Israa’iil, ayaa xasuuq ba’an wali ka geysaneysa magaalada Qasa, halka dadka ka badbaaday gantaalaha iyo rasaasta Israa’iil u dhimanayaan gaajo iyo harraad, taas oo dalal badan oo horey Israa’iil u taageersanaa si weyn uga horyimaadeen, kuna cadaadinayaan Israa’iil in ay nabadda qaadato.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles