Netenyahu oo hanjabaad u diray Lubnaan

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in inkastoo wadahadallo nabadeed ay la yeesheen Lubnaan, haddana ciidamada Israa’iil ay sii wadaan weerarrada ka dhanka ah Xisbullah, ayna ku dhow yihiin inay la wareegaan Bint Jbeil oo ku taal koonfurta Lubnaan, oo uu ku tilmaamay inay tahay xarunta ururka Xisbullaah.

Muuqaal uu baahiyay Netanyahu wuxuu ku sheegay inuu faray militariga inay sii xoojiyaan aagga amniga ee koonfurta Lubnaan, halka wadahadallo ku saabsan heshiis nabadeed oo lala galayo Bayruut ay socdaan.

“Wadahadalladani ma dhicin 40-kii sano ee la soo dhaafay. Hadda suurtagal ayay noqonayaan sababtoo ah waan xoog badannahay dalalkuna way noo imaanayaan, ma aha oo kaliya Lubnaan,” ayuu yiri.

Sida uu sheegay Netanyahu, Israa’iil waxay leedahay laba yool oo muhiim ah wadahadalladeeda Lubnaan: kan koowaad waa ciribtirka Xisbullaah kan labaadna waa nabad waarta, oo uu sheegay in lagu gaari doono “xoog.”

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay hadda diiradda saarayaan Bint Jbeil, oo uu ku tilmaamay caasimadda Xisbullah ee koonfurta Lubnaan.

“Waxaan ku dhownahay baabi’inta xaruntan weyn ee Xisbullah,” ayuu yiri.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo dib u furtay Garoonka Doolow kadib labo sano oo xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay Garoonka Diyaaradaha...

Laftagareen oo beeniyay xiriir uu la leeyahay Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan...

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka KGS ee Baydhabo

Maxamed Isaaq Arbo, oo sida lagu sheegay war kasoo...

Iiraan oo si adag uga hadashay qorshaha qaarijinta wiilka Trump

Mohsen Rezaei, oo ah Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles