Degmada Goldogob ee gobolka Mudug ayaa xalay waxaa ka dhacay dil aad u fool xun oo gilgilay bulshada deegaanka,kaddib markii nin lagu eedeeyay inuu dilay xaaskiisa iyo hooyadiis.
Ninkan ayaa la sheegay inuu dhimirka lahaa oo muddo ku xirnaa goob lagu xanaaneeyo dadka dhimirka la’.
Ciidanka Booliska Gobolka Mudug, gaar ahaan saldhigga degmada Goldogob, ayaa sheegay inay si degdeg ah gacanta ugu soo dhigeen eedeysanaha falkaasi gaystay.
Eedeysanaha ayaa lagu magacaabaa Cismaan Maxamuud Cali, waxaana lagu eedeeyay inuu dilay hooyadiis Marxuumad Xaawo Cabdile Faarax iyo xaaskiisa Marxuumad Farxiyo Maxamed Xirsi.
Boolisku waxay sheegeen in eedeysanaha haatan ku jiro gacantooda, isla markaana si buuxda loo bilaabay baaritaanno ku saabsan dhacdadaasi.
Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in ninka lagu soo taagi doono maxkamadda awoodda u leh si cadaaladda loo horgeeyo.
Dadka shacabka ayaa walaac ka muujiyay dilalkan ku soo batay deegaanada Gobolka Mudug.
Dilalkan ayaa ku soo kordhay soomaaliya, kaasi oo ay isku geysanayaan dadka isku qoyska ah.


