Sunday, April 12, 2026

Nin Hooyadiisa iyo xaaskiisa ku dilay Gobolka Mudug

Degmada Goldogob ee gobolka Mudug ayaa xalay waxaa ka dhacay dil aad u fool xun oo gilgilay bulshada deegaanka,kaddib markii nin lagu eedeeyay inuu dilay xaaskiisa iyo hooyadiis.

Ninkan ayaa la sheegay inuu dhimirka lahaa oo muddo ku xirnaa goob lagu xanaaneeyo dadka dhimirka la’.

Ciidanka Booliska Gobolka Mudug, gaar ahaan saldhigga degmada Goldogob, ayaa sheegay inay si degdeg ah gacanta ugu soo dhigeen eedeysanaha falkaasi gaystay.

Eedeysanaha ayaa lagu magacaabaa Cismaan Maxamuud Cali, waxaana lagu eedeeyay inuu dilay hooyadiis Marxuumad Xaawo Cabdile Faarax iyo xaaskiisa Marxuumad Farxiyo Maxamed Xirsi.

Boolisku waxay sheegeen in eedeysanaha haatan ku jiro gacantooda, isla markaana si buuxda loo bilaabay baaritaanno ku saabsan dhacdadaasi.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in ninka lagu soo taagi doono maxkamadda awoodda u leh si cadaaladda loo horgeeyo.

Dadka shacabka ayaa walaac ka muujiyay dilalkan ku soo batay deegaanada Gobolka Mudug.

Dilalkan ayaa ku soo kordhay soomaaliya, kaasi oo ay isku geysanayaan dadka isku qoyska ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo magacowday Guddiga Farsamada Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya ayaa...

Cumar C/Rashiid oo digay halista ka dhalan karta shidaal qodista

RW hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa...

Geelle oo mar 6-aad loo doortay Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha...

Uganda oo weerar afka ah ku qaaday Turkiga, kuna faanay doorkii Uganda ee dagaalladii Muqdisho

Taliyaha Ciidamada dalka Uganda, ahna wiilka Madaxweynaha Yoweri Museveni,...

Ciidamada Amniga oo qaraxyo ku qabtay Muqdisho

Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa ku guuleystay inay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles