Nin Mareykanka ku eedeeyay Musuq-maasuq oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Cabdikariim Cabdullaahi Ciidle, oo 42 jir ah, kaas oo dowladda Mareykanka ku eedeysay inuu door weyn ku lahaa mid ka mid ah kiisaskii musuq-maasuqa ee ugu waaweynaa ee la xiriiray barnaamijkii quudinta carruurta (Feeding Our Future).

Sida ay sheegtay Waaxda Caddaaladda Mareykanka, Cabdikariim ayaa la qabtay 25-kii Juun 2026, kadib muddo uu baxsad ku jiray. Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay inuu dalka ka cararay si uu uga fogaado maxkamadeynta.

Dacwaddu waxay sheegeysaa in Cabdikariim uu ka tirsanaa shaqaalaha barnaamijka, halkaas oo lagu eedeeyay inuu qaadan jiray laaluush iyo lacago dib-u-celin ah si loo ansixiyo xarumo si been abuur ah uga faa’iideysanayay Barnaamijka Nafaqeynta Carruurta ee dowladda federaalka Mareykanka.

Sidoo kale, dacwad-oogayaasha ayaa ku andacoonaya inuu sameystay shirkado iyo xarumo magacyo kala duwan wata, isagoo si been abuur ah u sheegay inay maalin kasta cunto siinayeen kumannaan carruur ah. Lacagaha la lunsaday ayaa la sheegay inuu u adeegsan jiray shirkado been abuur ah si uu u qariyo halka ay ka yimaadeen.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in in ka badan 5 milyan oo doolar oo ka mid ah lacagihii musuq-maasuqa lagu shubay akoonno lala xiriirinayo shirkado uu sameystay.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa ku tilmaamay Cabdikariim inuu ahaa shaqsi muhiim ah oo ku lug lahaa mid ka mid ah kiisaskii musuq-maasuqa ee ugu waaweynaa taariikhda gobolka Minnesota, iyagoo sheegay in qabashadiisu ay muujineyso in qof kasta oo lagu eedeeyo khiyaano dhaqaale uu wajihi doono cadaalad, meel kasta oo uu isku dayo inuu ku dhuunto.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

munasabada caleema saarka Hogaanka hirshabelle oo maanta jowhar lagu qabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Saacid oo ka digay wiiqidda hay’adaha madaxa-bannaan iyo sharciga oo loo leexiyo rabitaanka madaxda

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid),...

Cabdifataax Afrax oo Beledweyne ku soo bandhigay ciidamo taageersan Hirshabeelle

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cabdifataax Xasan Afrax, oo ku...

 Masar, Soomaaliya iyo Jabuuti oo isku raacay in amniga Badda Cas ay mas’uul ka yihiin dalalka xeebaha leh

Dowladda Masar ayaa wadahadallo cusub la yeelatay Soomaaliya iyo...

Kheyre oo Xasan Sheekh ku eedeeyay dilka saddex qof oo lagu toogtay Deyniile

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles