Sunday, February 15, 2026

Nin xisaabiye u ahaa burcadii afduubatay markabkii MV Abdalla oo la qabtay

Ciidanka booliska Gobolka Mudug ee magalada Galkacyo ayaa maanta ku guulaystay qabashada Xisaabiyihii kooxdii qabsaday Markabkii MV ABDALLA ee laga Lahaa dalka Bangaladesh.

Warbixin uu soo saaray Taliska Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgal ay ciidanku ka fuliyeen magalada Galkacyo lagu soo qabtay Cali Axmed Cali Shirwac dadiisa 39jir ina Luul jaamac guleed ahna Xisabiyihii markabkii MV Abddala.

“Ciidanka booliska Gobolka Mudug ee magalada Galkacyo ayaa maanta ku guulaystay qabashada Xisaabiyihii Markabkii MV ABDALLA ee laga Lahaa dalka Bangaladesh.”

“Howlgalkan oo ay ciidanka ka fuliyeen magalada Galkacyo ayaa lagu soo qabtay Cali Axmed Cali Shirwac dadiisa 39jir ina Luul jaamac guleed
ahna Xisabiyihii markabkii MV Abddala” ayaa lagu yiri Warbixinta Booliska Puntland.

Taliyaha qaybta Booliska G.Mudug G/Sare Maxamuud Cabdixakin yusuf oo warbixin ka bixiyey hawgalkani ayaa fariin adag u diray cid kasta oo ku lugleh falalka burcadnimada, in gacanta ay ku dhigayaan sidoo kale Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay iney sharciga hor keeni doonaan cidkasta oo ku lug yeelata falalka burcadnimada ah

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne xasan sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Trump oo sheegay farsamada uu adeegsanayo si ay Iran u saxiixdoo heshiis Nukliyeer

Madaxweynaha Donald Trump ayaa Jimcihii u sheegay ciidamada Mareykanka...

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu tanaasul la yimaado

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay...

Shir madaxeedka Midowga Afrika oo ka furmay Itoobiya

Shir.madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika ayaa maanta ka fumay...

Baarlamaanka Soomaaliya oo sii wadaya doodda wax ka beddelka Dastuurka

Xildhibaanada muxaafadka ah ee labada gole ee Baarlamaanka Federaalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles