Sacuudiga oo ku baaqay in Suuriya laga qaado cunaqabateynta saran

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa   ku baaqay in la qaado Suuriya, kuwaas oo “hakiyay” horumarka iyo dib-u-dhiska dalkaas, isagoo ka hadlayay dhamaadka kulammada ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee Carabta iyo Yurub ee magaalada Riyadh, kuwaas oo diiradda saaray mustaqbalka dalkan dagaalku saameeyay.

Faysal Bin Farhan ayaa shir jaraa’id ku sheegay arrintaasi kadib laba kulan oo midna oo heer Carab iyo caalami ah.

Ka qaybgalayaasha kulamada ay soo dhaweeyey “tallaabooyinka wanaagsan ee ay qaaday maamulka cusub ee Suuriya ee dhinaca ilaalinta hay’adaha dowladeed, qaadashada habka wadaxaajoodka ee dhinacyada Suuriya, iyo u heellanaanta la dagaallanka argagixisada iyo bilaabidda habka siyaasadeed ee ay ka qayb qaadanayaan dhammaan qaybaha bulshada Suuriya.”

Wasiirka Sacuudiga ayaa xoojiyay in “mustaqbalka Suuriya uu yahay mas’uuliyad u gaar ah dadka Suuriya,” isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado bixinta taageerooyinka kala duwan ee dhinacyada gargaarka bini’aadamnimo iyo dhaqaalaha, gaar ahaan dhanka dhisidda awoodaha dowlada Suuriya, gaarista xasillooni iyo dib-u-dhis, iyo diyaarinta deegaan ku habboon soo laabashada qaxootiga Suuriya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

Badmaax u dhashay Indonesia oo dalkooda ku laabtay

Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib...

Itoobiya oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay “khiyaano”

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa maqaal dheer oo...

Diyaar garowga Shirka 2-aad ee Guddiga Wadajirka Joogtada ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka socda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Dardar gelinaysa Diyaargarowga Shirka 2-aad ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles