Thursday, February 6, 2025

Nin xisaabiye u ahaa burcadii afduubatay markabkii MV Abdalla oo la qabtay

Ciidanka booliska Gobolka Mudug ee magalada Galkacyo ayaa maanta ku guulaystay qabashada Xisaabiyihii kooxdii qabsaday Markabkii MV ABDALLA ee laga Lahaa dalka Bangaladesh.

Warbixin uu soo saaray Taliska Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgal ay ciidanku ka fuliyeen magalada Galkacyo lagu soo qabtay Cali Axmed Cali Shirwac dadiisa 39jir ina Luul jaamac guleed ahna Xisabiyihii markabkii MV Abddala.

“Ciidanka booliska Gobolka Mudug ee magalada Galkacyo ayaa maanta ku guulaystay qabashada Xisaabiyihii Markabkii MV ABDALLA ee laga Lahaa dalka Bangaladesh.”

“Howlgalkan oo ay ciidanka ka fuliyeen magalada Galkacyo ayaa lagu soo qabtay Cali Axmed Cali Shirwac dadiisa 39jir ina Luul jaamac guleed
ahna Xisabiyihii markabkii MV Abddala” ayaa lagu yiri Warbixinta Booliska Puntland.

Taliyaha qaybta Booliska G.Mudug G/Sare Maxamuud Cabdixakin yusuf oo warbixin ka bixiyey hawgalkani ayaa fariin adag u diray cid kasta oo ku lugleh falalka burcadnimada, in gacanta ay ku dhigayaan sidoo kale Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay iney sharciga hor keeni doonaan cidkasta oo ku lug yeelata falalka burcadnimada ah

WARARKII KALE

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Gudoomiyy Kulanka Guddiga Joogta ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Turkiga oo xusaya sannadguuradii 2aad ee dhulgariirkii ay dadka badan ku dhinteen

Xusas ayaa ka socda Turkiga, kuwaasoo lagu xusayo laba...

Golaha wasiiradda XFS oo bogaadiyey hawlgalka Daacish

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey Ciidamada...

Shirweynaha xeer ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

𝗦𝗵𝗶𝗿𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝟳𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 x𝗲𝗲𝗿 i𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 ayaa maanta galay...

Masar oo ka hor timid qorshaha Trump ee ah in Mareykanka uu la wareego Gaza

Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa maanta magaalada Qaahira kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles