Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Saaxiibada caalamka oo ka dhacay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay horjooge Maxamed Cabdi Dhiblaawe Afrax, oo sidoo kale lahaa magacyada afgarashada (Khaalid Dheere, Khaalid Dacas, Macallin Siciid, Timo-jilac iyo Maxamed Sahal).
Horjoogahan oo ahaa maskaxdii ka dambaysay qaraxii ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta kaas oo lagu weeraray kolonyada Madaxweynaha JFS, 18-kii Maarso 2025, ayaa galabta lagu soo afjaray howlgal bartilmaameed ahaa oo lagu beegsaday Gaari Noah ah oo ay saarnaayeen isaga iyo dhagar-qabe kale.