Puntland oo dibeda u qaaday askar ku dhaawacantay weerarkii Daacish

Dhaawacyadii cuslaa ee Ciidanka Puntland ayaa waxaa loo qaaday dalka Dibadiisa, iyadoo Diyaarad khaas ah loo keenay.

Waxaa shalay laga duuliyey garoonka dayuuradaha caalamiga ah ee magaalada Boosaaso,

Askartan la qaaday ayaa qeyb ka ahaa ciidankii Puntland ee ka hortagay Kooxdii Ajaanibka ahayd ee ka tirsaneyd Daacish kuwaasoo maalmo ka hor soo weeraray saldhigooda gobolka Bari.

Raga la laayay ee Ajaanibta, waxay wada ahaayeen kuwo lawada baadigoobayay oo ka kala yimid meelo badan Puntland ku soo galay si dhuumaaleysi ah sida ay sheegeen saraakiisha Maamulka.

Guddiga Taakuleynta iyo Daryeelka Caafimaadka ee hawlgalka ciribtirka argagixisada, oo fullinaya Amarkii Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa si wanaagsan u maareeyay oo ambabixiyey dhaawacyada u baahday dhakhtar dibadda ah, oo maanta laga dhoofiyey boosaaso, waxaa sagootiyey ciidanka Guddiga taakuleynta ciidanka, Agaasimaha Hay’adda PMPF iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Talaabadan Maamulka Puntland uu dibeda ugu qaaday dhaawacyada daran ayaa waxay dhiirigelin u tahay ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgalka la dagaalanka argagxisada ee ay ku dhawaaqday Puntland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Shiinaha oo si caro leh uga jawaabay hadal ka soo yeeray saraakiil Maraykan ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa cambaareysay madaxa shirkadda...

Ururka Towfiiq oo soo saaray mowqifkooda ku saabsan doorashada ku celiska ah ee Galmudug

Urur siyaasadeedkaTowfiiq oo ka mid aha ururadii ka qayb...

Ciidamada Koofur Galbeed oo gacanta ku dhigay ninkii dilay Jamaal oo ahaa wiil dhalinyaro ah

Ciidamada amniga maamulka Koofur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay...

Ciidamada Danab oo howlgal ku qabtay xubno k tirsan Al-shabaab

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab,...

Safiirkii Turkiga Alper oo fariin macsalaameyn ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Safiirkii Dowladda Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya, Alper Aktaş, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles