Wednesday, September 10, 2025

Puntland oo Digniin Amni Soo Saartay Kaddib Firxadka Kooxda Daacish ee Ku Wajahan Boosaaso

Ciidanka Booliiska Puntland ayaa digniin culus u diray shacabka, iyagoo sheegay in firxadyo ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Daacish ay isku dayayaan in ay isku dhex qariyaan bulshada rayidka ah, kaddib cadaadis xooggan oo kaga yimid ciidamada ammaanka ee Puntland.

War rasmi ah oo kasoo baxay Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in dagaallamayaal katirsan kooxda Daacish, oo ku jabay dagaallo ka dhacay buuraha Calmiskad, ay hadda doonayaan in ay gabaad ka dhigtaan deegaannada ay ku nool yihiin dadka shacabka ah.

“Iyadoo laga duulayo dagaalka xaqa ah ee ciidankeenu kula jiraan kooxaha argagixisada ah, waxaa jira firxadyo ka tirsan kooxahaas oo laga yaabo inay isku dayaan inay ku dhex dhuuntaan shacabka, iyagoo ka faa’iideysanaya jabka ku dhacay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Booliisku wuxuu shacabka Puntland ku wargeliyay in ay si feejigan ula socdaan dhaqdhaqaaqa dadka aan la garanayn, ayna degdeg ula soo xiriiraan hay’adaha ammaanka haddii ay arkaan ama uga shakiyaan cid xiriir la leh kooxaha argagixisada.

“Ciidanka Booliska Puntland wuxuu ku wargelinayaa shacabka sharafta leh in qof kasta oo arka ama maqla cid looga shakisan yahay inay xiriir la leedahay kooxahaas naf-la-caariga ah” ayaa lagu xusay war-saxaafadeedka.

Kooxda Daacish ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku dhuumaaleysanaysay buuraha Calmiskad ee gobolka Bari, balse howlgalada ciidamada Puntland ayaa sabab u noqday inay lumiyaan goobo muhiim ah, taasoo keentay in xubno badan oo kooxda ka tirsan ay kala firxadaan.

 

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 09/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NISA oo duqeyn ku dishay maskaxdii ka dambeysay weerarkii ka dhacay Ceel-gaabta

Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Hay’adda Sirdoonka iyo...

DFS oo si kulul u cambaareysey weerarka Israel ka geystay Qatar

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya ayaa...

Qatar oo cambaareysay weerarka ay Israa’iil ku dishay xubno Xamaas ah

Ciidamada Yuhuudda ayaa sheegay inay duqeynta oo ay fulisay...

Qaraxyo ka dhacay Doha, iyo Israa’iil oo beegsaday madaxda Xamaas

Qaraxyo dhowr ah ayaa goor dhow ka dhacay caasimadda...

Puntland oo qabatay xubno ka tirsan Firxadka Daacish oo gali rabay Boosaaso

Ciidanka Booliiska maamulka Puntland ayaa saakay Aroortii ka qabtay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles