Puntland oo la wareegaysa Hubka iyo Gaadiidka dagaal ee Aan Oggolaansho lahayn

Maamulka Puntland ayaa soo saaray go’aan cusub oo lagu adkeynayo xakamaynta gaadiidka dagaalka iyo kuwa loo adeegsan karo qaadista hubka iyo agabka ciidan, kadib shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Puntland iyo masuuliyiin kale oo amniga Gobolka Bari looga hadlay.

Go’aanka ayaa si gaar ah u dhigaya in gaadiid dagaal ama gaadiid loo adeegsan karo qaadista hub iyo agab ciidan aan gudaha Puntland lagu soo gelin karin oggolaansho rasmi ah.

Puntland ayaa sheegtay in gaadiidka noocaas ah lagu soo gelin karo oo keliya marka oggolaansho laga helo Taliska Ciidanka Puntland, isla markaana uu si rasmi ah u saxiixo Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

“Waxaa la joojiyey in gudaha Puntland la soo geliyo gaadiid loo isticmaali karo in lagu xiro hub ama agab ciidan. Gaadiidkaas waxaa lagu keeni karaa oo kaliya in ogolaansho laga helo Taliska Ciidanka, uuna saxiixo Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Hay’adaha amnigu waxay amar buuxa u qabaan in ay la wareegaan wixii gaadiid ciidan oo sifo sharci darro ah ku soo gala gudaha Puntland.”

Go’aankan ayaa lagu dhawaaqay xilli Puntland ay xoogga saareyso xoojinta amniga Gobolka Bari, la-dagaallanka kooxaha hubeysan, xakamaynta hubka sharci-darrada ah iyo ka hortagga colaadaha ka dhasha hubka iyo gaadiidka dagaalka.

Sidoo kale, Puntland waxay horey u mamnuucday in magaalooyinka lagu dhex wato hub sharci-darro ah, iyadoo hay’adaha amniga loo fasaxay inay la wareegaan hubka iyo agabka ciidan ee si sharci-darro ah lagu soo geliyo deegaanada Puntland.

Go’aankan cusub ayaa muujinaya in maamulka Puntland uu doonayo inuu si toos ah ula socdo cidda soo gelinaysa gaadiidka dagaalka iyo agabka milatari, iyadoo mas’uuliyadda oggolaanshaha ugu sarreysa loo xilsaaray Madaxweynaha Puntland.

Waxaa sidoo kale la filayaa in go’aankan uu saameyn ku yeesho dhaqdhaqaaqa gaadiidka ciidan ee lagu soo geliyo Puntland, gaar ahaan xilli maamulka uu sheegay inuu dardargelinayo howlgallada amniga iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada iyo burcad-badeedda.

WARARKII KALE

Mareykanka iyo Iraan oo is-weydaarsaday duqeymo

Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu soo...

Duqeyn Culus oo xalay ka dhacay duleedka Baydhabo

Duqeyn dhanka cirka ah ayaa xalay laga fuliyey deegaanka...

Israa’iil oo gacanta ku dhigtay hoggaamiye sare oo ka tirsan Xamaas kaddib hawlgal ka dhacay Gaza

Israa’iil ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay hoggaamiye sare...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

DFS oo Deni ku eedeysay taageeridda kooxaha burcad-badeedda

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa eedeyn culus...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles