Puntland oo Toogasho ku Fulisay Eedeysanihii dilay Taliyihii Booliska Jariiban

Ninkii loo haystay dilka Taliyihii saldhigga Booliiska degmada Jariiban ee gobolka Mudug, Guleed Kadleeye, ayaa saakay lagu fuliyay xukun qisaas ah, kaddib markii ay ku heshiiyeen qoyska marxuumka iyo qoyska eedeysanaha.

Ninka la qisaasay oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Kooshin, ayay ciidamada ammaanku soo qabteen saacado yar kaddib dilkii taliyaha, waxaana loo gudbiyay hay’adaha garsoorka oo ku riday xukun dil ah, kaas oo saakay laga fuliyay degmada.

Qoyska marxuumka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku qanceen caddaaladda, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in qof kaste oo dil bareer ah geysta si degdeg ah loogu fuliyo caddaaladda. Waxay u mahad celiyeen ciidamada ammaanka oo gacanta kusoo dhigay dambiilaha oo markii uu falka geystay baxsaday.

Fulinta xukunka qisaasta ayaa soo afjartay kiiska dilka taliyaha.

Sarkaalka loo qisaasay ahna taliyaha Jarriiban Guleed Kadleeye ayaa ka mid ahaa ciidamadii Gorgor ee tababarka ku soo qaatay Turkiga xilligii dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna ka tirsanaa saraakiishii dhowaan loo kala diray degmooyinka Puntland si loo xoojiyo amniga.

Marxuumku wuxuu muddooyinkii u dambeeyay hormuud ka ahaa dadaallada lagu sugayay amniga degmada Jariiban, gaar ahaan la dagaallanka hubka sharci-darrada ah iyo xoojinta howlaha booliiska.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

Shiinaha iyo Jarmalka oo u digay muwaadiniintooda booqanaya Faransiiska

Raysalwasaaraha Faransiiska, Sébastien Lecornu, ayaa siiyay magaalooyinka Faransiiska awood...

Golaha Mustaqbalka oo shir xasaasi ah ku yeelanaya Nairobi

Hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka kooban Madasha Samatabixinta...

Guddoomiye Jaamac oo shaki geliyay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee KGS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles