Tuesday, March 3, 2026

Puntland oo xaqiijisay in la qabtay Markab Sida Hub iyo Sahay Ciidan

Xukuumadda Puntland ayaa xaqiijisay in ciidanka ammaanka badda Puntland ay gacanta ku dhigeen markab lagu magacaabo Sea World, kaasi oo siday hub, sahay ciidan iyo gaadiid dagaal, kuna wajahnaa magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in markabkan uu kaga soo gabbaday dabaylaha badda xeebta degmada Bareeda ee gobolka Bari.

Wasiirku wuxuu xusay in markabka la baarayo, amnigiisuna la sugayo, isagoo ballanqaaday in xogta rasmiga ah la wadaagi doono shacabka iyo saxaafadda.

“Markab hubsida oo Dabaylaha badda ka dhacaya kaga soo gabaday xeebta Bareeda ee Puntland ayaa ciidanka amaanka Puntland qabteen, amnigiisa ayaa la sugayaa, waana la baadhayaa. Wixii ka soo kordha, waanu la wadaagi doonaa saxaafadda,” ayuu yiri Wasiir Dirir.

Lama shaacin ilaa hadda cidda iska leh markabka, halka laga soo raray iyo halka rasmiga ah ee uu kusii jeeday, hase yeeshee xogaha hordhaca ah ayaa tilmaamaya in markabku siday sahay militari oo aan la fasixin.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka uu mugdi ku jiro.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles