Monday, September 1, 2025

Puntland oo xaqiijisay in la qabtay Markab Sida Hub iyo Sahay Ciidan

Xukuumadda Puntland ayaa xaqiijisay in ciidanka ammaanka badda Puntland ay gacanta ku dhigeen markab lagu magacaabo Sea World, kaasi oo siday hub, sahay ciidan iyo gaadiid dagaal, kuna wajahnaa magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in markabkan uu kaga soo gabbaday dabaylaha badda xeebta degmada Bareeda ee gobolka Bari.

Wasiirku wuxuu xusay in markabka la baarayo, amnigiisuna la sugayo, isagoo ballanqaaday in xogta rasmiga ah la wadaagi doono shacabka iyo saxaafadda.

โ€œMarkab hubsida oo Dabaylaha badda ka dhacaya kaga soo gabaday xeebta Bareeda ee Puntland ayaa ciidanka amaanka Puntland qabteen, amnigiisa ayaa la sugayaa, waana la baadhayaa. Wixii ka soo kordha, waanu la wadaagi doonaa saxaafadda,โ€ ayuu yiri Wasiir Dirir.

Lama shaacin ilaa hadda cidda iska leh markabka, halka laga soo raray iyo halka rasmiga ah ee uu kusii jeeday, hase yeeshee xogaha hordhaca ah ayaa tilmaamaya in markabku siday sahay militari oo aan la fasixin.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka uu mugdi ku jiro.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles