Friday, April 10, 2026

Qaramada Midoobay: Malaayiin Soomaali ah ayaa la dhibaataysan abaaro baahsan

In ka badan 4.6 milyan oo qof oo ku kala nool guud ahaan dalka Soomaaliya oo u dhiganta ku dhowaad rubuc ka mid ah dadweynaha dalka ayaa waxa si weyn u saameeyay xaaladda abaaraha, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxalliga ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in “hay’adaha wada-shaqaynta la leh ay tilmaamayaan in ugu yaraan 120,000 oo qof ay barakaceen intii u dhexeysay Sebtembar ilaa Diseembar, xilli qiimaha biyaha uu sare u kacayo, cuntadu qaaliyowday, xooluhu dhimanayaan, isla markaana nolol-maalmeedkii dadka uu adkaaday,” sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay OCHA.

Intaa waxaa dheer, in ka badan 75,000 oo arday oo ku kala nool dalka oo dhan ayaa xaaladda noocan ah ay ku qabsabtay in ay ka baxaan waxbarashada.

xilli uu gabagabo yahay sannadka 2025-ka ayaa qorshaha gargaar bani’aadamnimo ee Soomaaliya ee loo bahnaa waxa uu dhammaa $1.4 bilyan waxa se la helay keliya ku dhawaad $370 milyan, taas oo u dhiganta rubuc oo ka mid ah lacagta loo baahan yahay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in duqeyn ka dhacday Mudug lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay duqeyn ka...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebaha magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Xasan Sheekh, Xamsa iyo Qoor Qoor oo ka shiray doorashada Galmudug

Kulan xasaasi ah ayaa ka dhacay Villa Soomaaliya, kaas...

Askari ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug...

Raysal wasaaraha UK oo ka degay Imaaraadka

Raysal Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa gaaray Imaaraadka Carabta,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles