Tuesday, December 23, 2025

Qaramada Midoobay: Malaayiin Soomaali ah ayaa la dhibaataysan abaaro baahsan

In ka badan 4.6 milyan oo qof oo ku kala nool guud ahaan dalka Soomaaliya oo u dhiganta ku dhowaad rubuc ka mid ah dadweynaha dalka ayaa waxa si weyn u saameeyay xaaladda abaaraha, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxalliga ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in “hay’adaha wada-shaqaynta la leh ay tilmaamayaan in ugu yaraan 120,000 oo qof ay barakaceen intii u dhexeysay Sebtembar ilaa Diseembar, xilli qiimaha biyaha uu sare u kacayo, cuntadu qaaliyowday, xooluhu dhimanayaan, isla markaana nolol-maalmeedkii dadka uu adkaaday,” sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay OCHA.

Intaa waxaa dheer, in ka badan 75,000 oo arday oo ku kala nool dalka oo dhan ayaa xaaladda noocan ah ay ku qabsabtay in ay ka baxaan waxbarashada.

xilli uu gabagabo yahay sannadka 2025-ka ayaa qorshaha gargaar bani’aadamnimo ee Soomaaliya ee loo bahnaa waxa uu dhammaa $1.4 bilyan waxa se la helay keliya ku dhawaad $370 milyan, taas oo u dhiganta rubuc oo ka mid ah lacagta loo baahan yahay.

WARARKII KALE

Baarlamaanka oo Ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka 2026 iyo xildhibaano ka horyimid

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya (BJFS) ayaa...

Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay Gaalkacyo

Magaalada Galkacyo ayaa xalay waxaa ka dhacay dhacdo murugo...

Farmaajo oo ka digay muddo kororsi, doorasho hal dhinac ah iyo eedeyn uu jeediyay MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal...

Booliska oo qabtay askar hubeysan oo hub ku dhex watay caasimada Muqdisho

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliska Caasimadda, Saldhigga Bartamaha,...

Trump oo xilalka safiirnimo ka qaaday ku dhawaad 30 dublamaasiyiin ah oo uu jiro safiirka Soomaaliya

Maamulka Trump ayaa dib ugu yeeraya ku dhawaad ​​30...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles