Baarlamaanka oo Ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka 2026 iyo xildhibaano ka horyimid

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya (BJFS) ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, iyagoo si rasmi ah u ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026.

Miisaaniyadda la ansixiyey ayaa gaareysa $1,386,807,242 (hal bilyan, saddex boqol iyo sideetan milyan, sideed boqol iyo toddobo kun, laba boqol, afartan iyo laba dollar).

Sida lagu shaaciyey natiijada codbixinta, 174 xildhibaan ayaa ogolaaday miisaaniyadda, afar xildhibaan ayaa ka codeeyay diidmo, halka hal xildhibaan uu ka aamusay, waxaana sidaasi warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Si kastaba ha ahaatee, ansixinta miisaaniyadda kadib ayaa waxaa durba ka dhashay muran iyo ismaandhaaf, iyadoo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay si cad uga horyimaadeen hanaanka loo maray ansixinta.

Xildhibaan Faa’isa Jeyte, oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradsan miisaaniyadda, ayaa si adag u dhaliishay ansixinta, waxayna sheegtay in ay jireen xildhibaano aan kulanka joogin balse lagu daray tirada ogolaatay miisaaniyadda.

“Xildhibaana aan joogin ayaa la dhahay way ansixiyeen, waxba kama jiraan. Deyn ma qaadan karto dowladdaan,” ayay tiri Xildhibaan Faa’isa Jeyte.

Hadalkan ayaa muujinaya walaac ku saabsan daahfurnaanta codbixinta iyo sidoo kale arrimaha la xiriira qaadashada deymo cusub oo ay dowladdu qorsheyneyso, kuwaas oo ay qaar ka mid ah xildhibaanadu si weyn uga soo horjeedaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles