Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Qaranka kaga qayb galay munaasabadda dhaarinta Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan, oo uu dhowaan u magacaabay xilkaasi.
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare in uu si hufan, daacadnimo iyo xilkasnimo leh u guto waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta madax-bannaanida garsoorka, dhowrista sharciga iyo xaqiijinta caddaalad loo siman yahay.
Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ayaa waxaa dhaariyey Qareen. Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Aadan, oo ah xubin ka tirsan Guddiga Cadaaladda, Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Golaha Shacabka.
Munaasabadda waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, kuwaas oo goob-joog ka ahaa dhaarinta Guddoomiyaha cusub.


