Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaliid), ayaa maanta booqday Dugsiga Tababarka Xananbuure, halkaas oo uu kula kulmay cutubyo cusub oo dhawaan ku biiri doona Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa ciidamada cusub u jeediyay soo dhoweyn iyo dardaaran, isagoo ku bogaadiyay go’aanka ay qaateen ee ah inay u istaagaan difaaca dalka, dadka iyo diinta, isla markaana waqtigooda iyo naftooda u huraan adeegga qaranka.
Sidoo kale, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sagootiyay cutubyo kale oo tababarkooda ku soo dhammeystay dugsiga Xananbuure, kuwaas oo isu diyaarinaya inay si rasmi ah u gutaan waajibaadkooda ciidan.
Taliyaha ayaa ciidamada kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa iyo shuruucda ciidanka, Alle ka cabsiga, feejignaanta, adkaysiga iyo geesinnimada, isagoo sidoo kale ku adkeeyay dhowrista xuquuqda aadanaha.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay ciidamo leh waddaniyad, karti iyo masuuliyad, kuwaas oo ka qeyb qaata sugidda amniga, difaaca shacabka iyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Taliska Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka ee lagu dhisayo laguna tayeynayo awoodda ciidamada, iyadoo cutubyo cusub la soo dhaweynayo, kuwo kalena loo diyaarinayo gudashada waajibaadka qaran.


