Qatar oo sheegtay in xiisadda gobolka aan laga tagi karin iyadoo aan xal loo helin

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan Al Thani, ayaa sheegay in dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xakameynayo xiisadda gobolka ay weli socdaan, isaga oo ka digay in xaaladda aan la iska indho tiri karin iyadoo aan xal laga gaarin.

Sheekh Maxamed oo Jimcihii ka hadlay munaasabad ka dhacday Jaamacadda Oxford ee dalka Britain, ayaa sheegay in toddobaadyadii la soo dhaafay ay wada shaqeyn dhow la lahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Mareykanka, kuwaas oo uu sheegay inay si dhab ah uga go’an tahay sidii loo heli lahaa waddo lagu dejiyo xiisadda, lagana hortago dagaal ballaaran oo gobolka ka qarxa.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dadaallada dhexdhexaadinta ay sii socdaan si looga hortago in xaaladdu faraha ka baxdo, isaga oo xusay in codad caqli ku dhisan oo ka yimid gudaha Tehran ay gacan ka geysteen in xiisadda aanay heer khatar ah gaarin.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa intaas ku daray in isbeddellada ka dhashay doorashadii Mareykanka laga yaabo inay mustaqbalka saameyn ku yeeshaan siyaasadaha Washington, balse aysan meesha ka saareyn rabitaanka maamulka Mareykanka ee ku aaddan in xal diblomaasiyadeed la helo.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in aan la sugin heshiis nabadeed oo dhammaystiran, balse ay muhiim tahay in laga faa’iideysto fursadaha jira si loo gaaro heshiis wanaagsan oo xiisadda lagu dejin karo.

Ugu dambeyn, Sheekh Maxamed ayaa xaqiijiyay in xiriirrada iyo dadaallada diblomaasiyadeed aysan istaagin, inkastoo ay maalmahan ka yara firfircooni hooseeyaan sidii ay ahaayeen dhowr maalmood ka hor.

Wuxuu sheegay in Qatar ay sii wadi doonto dadaalladeeda dhexdhexaadinta si looga hortago in xiisadda gobolka isu beddesho dagaal ballaaran.

WARARKII KALE

Jubbaland oo Xasan Sheekh ku eedeysay inuu dalka geliyey xaalad cakiran

Maamulka Jubbaland ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay...

Trump oo u hanjabay Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh “Qof siyaasad u xiran maanta ma jiro, qofkii dacwad qaba waxaa inoo jira garsoor”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay khudbad uu...

Uganda oo ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya, Gaza-na u weecinaysa

Taliyaha guud ee ciidamada Uganda (UPDF), Jeneraal Muhoozi Kainerugaba,...

Mareykanka iyo Ciraaq oo ka wada hadlay dejinta xiisadaha ka taagan gobolka

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Turkiga, ahna ergeyga gaarka ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles