Tuesday, March 17, 2026

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Beledweyne iyo maleeshiyaad ka dhex dagaalamaya gudaha

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay gudaha magaaladaasi, Waxaana qaraxa uu si gaar ah ugu dhacay Xaafada Hawl-wadaag ee magaaladaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa  uu ka dhacay guri ay Daganaayeen qaar kamid ah Odoyaasha dhaqanka, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan, kuwaasi oo ku sugnaa Xaafada Howl-wadaag, waxaana la soo werinayaa inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan ay ka dhex dagaalamayaan gudaha guriga,iyadoona marar qaar la maqlayo dhawaqa qaraxyo, ilaa labo qarax kale ayaa la sheegay in ay ka dhaceen  xaafada Howlwadaah, kuwaasi oo ahaa Bambo gacmeed ay tuurayaan dableyda hubeysan.

Gurigan ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka soconayay abaabul dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab, kaasi oo la doonayo in Al-shabaab looga saaro galbeedka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay , iyadoona halkaasi xiray wadooyinka soo gala xaafada Howl-wadaag, iyadoona gurmad loo sameynayo dadka ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay isku dayayaan sidii ay u soo afjari lahaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab ee weerarka ku qaaday gudaha magaalada Beledweyne.

Maalmihii ugu dambeeyay amniga  Magaalada Beledweyne ayaa ahaa mid degan, kadib markii ciidamada hubeysanaa laga qaaday gudaha magaaladaasi.

Maalmo ka hor ayay markii guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu soo saaray amaro iyo go’aano lagu adkeynayo amniga magaalada Beledweyne, inta lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Lafta gareen oo tagay Baydhabo xilli uu khilaaf kala dhexeeyo DFS

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada ka soo horjeeda Lafta gareen oo fariin adag u diray DFS

Xildhibaano ka tirsan BFS ee laga soo doortay deegaanada...

Koofur Galbeed oo xariirka u jartay Dowladda Soomaaliya

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa goordhaw ku dhawaaqay inuu...

Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo laba maalmood ku xayirnaa badda oo la badbaadiyay

Markab samatabbixin ah oo lagu magacaabo Aita Mari, lagana...

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles