Tuesday, May 12, 2026

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Beledweyne iyo maleeshiyaad ka dhex dagaalamaya gudaha

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay gudaha magaaladaasi, Waxaana qaraxa uu si gaar ah ugu dhacay Xaafada Hawl-wadaag ee magaaladaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa  uu ka dhacay guri ay Daganaayeen qaar kamid ah Odoyaasha dhaqanka, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan, kuwaasi oo ku sugnaa Xaafada Howl-wadaag, waxaana la soo werinayaa inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan ay ka dhex dagaalamayaan gudaha guriga,iyadoona marar qaar la maqlayo dhawaqa qaraxyo, ilaa labo qarax kale ayaa la sheegay in ay ka dhaceen  xaafada Howlwadaah, kuwaasi oo ahaa Bambo gacmeed ay tuurayaan dableyda hubeysan.

Gurigan ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka soconayay abaabul dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab, kaasi oo la doonayo in Al-shabaab looga saaro galbeedka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay , iyadoona halkaasi xiray wadooyinka soo gala xaafada Howl-wadaag, iyadoona gurmad loo sameynayo dadka ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay isku dayayaan sidii ay u soo afjari lahaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab ee weerarka ku qaaday gudaha magaalada Beledweyne.

Maalmihii ugu dambeeyay amniga  Magaalada Beledweyne ayaa ahaa mid degan, kadib markii ciidamada hubeysanaa laga qaaday gudaha magaaladaasi.

Maalmo ka hor ayay markii guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu soo saaray amaro iyo go’aano lagu adkeynayo amniga magaalada Beledweyne, inta lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Deni oo la filayo inuu soo gaaro Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo...

Ciidankii Lafta gareen oo weerar ku qaaday Baydhabo

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xiisadda...

Wafdi ka socda DFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya,Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta...

Maayarka Hargeysa oo xilka laga qaaday

Ku dhowaad 10 xubnood oo ka tirsan golaha deegaanka...

Imaaraadka Carabta”waxay si qarsoodi ah ugu lug lahayd ‘weeraradii Iran”

Sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal, Imaaraadka Carabta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles