Tuesday, March 3, 2026

Qaraxyo laga Maqlay Caasimadda Venezuela ee Caracas

Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay caasimadda dalka Venezuela ee Caracas, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Venezuela iyo Mareykanka.

Wakaaladda wararka AP ayaa ku warrantay in ugu yaraan toddobo qarax la maqlay, islamarkaana la arkay diyaarado si hoose u duulaya hawada sare ee magaalada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaybo ka mid ah koofurta magaalada Caracas, gaar ahaan agagaarka saldhig militari oo weyn, ay korontadu ka go’day, taas oo sii kordhisay cabsi iyo walaac laga qabo xaaladda amni.

Maalmihii u dambeeyay, dowladda Venezuela ayaa muujisay diyaar garow ay u leedahay wada-hadallo ay la gasho Mareykanka si looga wada shaqeeyo la dagaallanka ka ganacsiga daroogada, sida uu sheegay Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro, inkasta oo uu ka gaabsaday faahfaahin ku saabsan warar sheegayay in Mareykanku weerar sirdoon (CIA-led strike) ka fuliyay dalkaas toddobaadkii hore.

Hadalkan ayaa Madaxweyne Maduro ku sheegay wareysi hawada galay Khamiistii, xilli uu muujinayay luuqad ka dabacsan tii hore ee uu kula hadli jiray Mareykanka, kaddib bilo cadaadis militari iyo cunaqabatayn dhaqaale ah oo Washington saartay Venezuela.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles