Trump oo shaaciyay in la qabtay Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro iyo xaaskiisa

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku fuliyay weerar ballaaran oo ka dhan ah dalka Venezuela iyo madaxweyne Nicolás Maduro.

Qoraal uu Trump ku daabacay bartiisa Truth Social ayuu ku sheegay in Madaxweyne Nicolás Maduro iyo xaaskiisa la “qabtay lana saaray diyaarad dalka dibeddiisa u qaadday, kaddib hawlgal uu sheegay in si wadajir ah ay u fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo hay’adaha ammaanka ee Mareykanka.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynihii Venezuela lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka Mareykanka, inkasta oo uusan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan halka lagu hayo ama nooca eedeymaha loo jeedinayo.

Sheegashadan ayaa imaaneysa xilli xiisad culus ay ka dhex taagan tahay Mareykanka iyo Venezuela, kaddib warar sheegaya qaraxyo iyo dhaqdhaqaaq militari oo ka dhacay caasimadda Caracas.

Ilaa iyo hadda, dowladda Venezuela kama aysan hadlin hadalka Trump, sidoo kalena ma jiro wax xaqiijin rasmi ah oo ka yimid hay’adaha Mareykanka ama warbaahinta caalamiga ah oo si madax-bannaan u caddeynaya sheegashadaas.

Wararku weli waa kuwo is khilaafsan, waxaana socda dabagal ku saabsan xaqiiqada hadalkan uu shaaciyay Trump.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles